Maxaan u Socona? 

Ujeedada Ururka Adal Hope ee Awdal

 

Ujeedada Ururka Adal Hope waa in la abuuro Rejo. Ururku wuxuu ka shaqeyn doona in la dhiso dadka, taas oo horseedaysa in la abuuro Rejo.
Adal Hope waxay aaminsan tahay in horumarka bulshada uu ka bilaabmo in dadka la dhiso. Ururku wuxuu ku dadaali doonaa in uu bulshada siiyo fursado waxbarasho, caafimaad, iyo shaqo abuur, si qof walba uu u helo rajadii uu noloshiisa ku horumarin lahaa.

 

* Qorshaha dhow ee Adal Hope
1-Hoyooyinka danyarta ah ayaannu tageeri doonaa oonu ka caawin doonnaa sidii ay u heli lahayd shaqo fudud oo ay nolol maalmeedkeeda kala soo bixi karto.

2- Dhalinyarta agoonta ah ama awoodi waayay dhaqaalaha waxbarashadooda in aan caawinno dhaqaale ahaan.

 

* Qorshaha fog ee Adal Hope

1- In la gacan qabto bulshada reer Miyiga ah haddii ay noqoto Beero iyo ceelal qodis intaba.
2- In dhalinyarta loo dhiso goobo ay ku baran karaan farsamada gacanta.

Adal Hope waxay ku dadaali doonta inay noqoto iftiin ka dhex baxa bulshadeeda, iyada oo dadka siin doonta fursado iyo rajadii ay noloshooda ku horumarin lahaayeen. Ujeedada ugu weyn waa in qof walba uu dareemo qiimaha nolosha, isagoo u gudbaya mustaqbal ifaya oo ka wanaagsan kan maanta.
Waxaa muhiim ah in bulshada ay fahanto in rajo la abuuro marka dadka la rabo in la dhiso, taasoo horseedaysa horumar iyo kobac waara. Adal Hope waxay u taagan tahay rajo abuur iyo horumarinta bulshada Awdal.


Na soo raac oo kaalay nala dhis Rajada au u baahan tahay ummadeenu.

Shaqa abuur

 

 

Deeqo waxbarasho

 

 

Ilaalinta deegaanka

 

 

“Adal Hope is a charity organisation for Awdal. It is a brigde for hope. Join us .”

Contact us

Localisation

Adal Hope
Awdal